Telefishinka Israa’iil ee Kannews, ayaa ku warramay inay saraakiisha militariga Masar u sheegeen inay qaadayaan tallaabooyin looga fogaanayo inay dib usoo laabato dhacdadii shalay ee ciidanka xadduuda Masar ay ku rasaaseeyeen ciidanka Israa’iil ee qabsaday xadduudka Rafah, iyadoo jawaab ay rasaasta ka bixiyeen ciidanka Israa’iil lagu dilay ugu yaraan labo askari oo Masaari ah.
Saraakiisha Qaahira, sidoo kale waxay sheegeen inaysan labada dhinac dan ugu jirin in loo bunbuuniyo dhacdadaan mid siyaasadeed, waxaana lagu damin doona halkeeda.
