Dowaladda Jubbaland ayaa in ka badan 500 oo qoys oo kamida dadka danyarta ah ee ku dhaqan deegaanka Buulo-Xaaji ee dhawaan laga xoreeyay Argagixisada gaarsiisay deeq raashin ah oo isugu jirta dhowr nooc oo kala duwan.
Dadkan danyarta ah ee ay maanta Dawladu gargaarka u qeybisay ayaa ah dad danyar ah oo saameeyeen xaaladaha kala duwan ee laga dhaxlay isbadalka cimilada, sida fatahaadaha iyo abaaraha isdaba taagan waxaana intaasi usii dheeraa dhibaatada nololeed iyo mida maskax ahaaneed ee ay kala kulmayeen kooxaha nabadiidka ah ee maalmo kahor laga dulqaaday.
Dowladda Jubbaland ayaa sido kale qorsheynaysa in maalmahan ay qoysaska kale ee deegaanka iyo tuulooyinka hoos yimaadaba ay gaarsiiso gargaar dhow nooc isugu jira si dadka ay u dareemaan muhiimadda ay Dowladnimada leedahay.
Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka Buulo-Xaaji ayaa dareemaya xasilooni iyo isbadal nololeed oo muhiimad gaar ah uleh kadib markii laga dulqaaday heeryadii Khawaarijta.
Yahye Hussein
Midsomtv Buulo-xaajo